Shirka Bilaha ah ee Wasaaradda oo UU shir Gudoomiyey Wasiir Axmed Xasan Cumar.

Shirka Bilaha ah ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Jubaland ayaa bishii la qabtaa waxaana Shirka shir Gudoomiya Wasiirka, Wasiir Ku xigeenka ama Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Jubaland. Shirka Bilaha ah ayaa diiradda lagu saaraa kala xog qaadashada Shaqooyinka socda iyo sidii lagu sii xoogin lahaa hawlaha loo hayo bulshada.

Maanta oo ay bishu tahay 12-ka Bisha Shanaad ee 2024 ayaa waxaa Shirka Bilaha ah ee Wasaaradda Shir Gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Jubaland Mudane Axmed Xassan Cumar oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullahi Cali Farax.

Wasiirka ayaa ugu horeen bogaadiyey shaqooyinka kala duwan ee shaqaalaha Wasaaraddu ay ka kala wadaan Gudaha Xafiiska Wasaaradda Guud, Xaafiisyada kala duwan sida Qeebta Calanley, Qeebta Kiboora iyo Dhamaan Shaqaalaha kale ee ka hawlgala Xeebaha kuwaa oo inta badan ku hawlan ka warqabka iyo la shaqeeynta Kalluumeysiga.

Wasiirka ayaa bogaadin iyo mahadnaq kadib Warbixino ka dhageystay Agaasimaha Guud, Agaasima Waaxeed yada iyo Saraakiisha kale ee Wasaarada. inta uu shirka socday ayaa la isla meel dhigay in la dardargeliyo hawlaha kala duwan ee Wasaaraddu ay u heyso bulshada isla markaana kor loo sii qaado wacyigelinta bulshadda ee Muhiimada jilaabashada iyo Cunista Kaluunka.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Axmed Xasan Cumar ayaa Ka Dhawaajiyey in dib u eegis lagu sameyn doono Aqoonta, tayada iyo xirfada shaqalaha Wasaaradda isla markaana Qof waliba la siini doono Aqoon kororsi ku  aadan Shaqooyinka uu bulshadda u hayo.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Axmed ayaa Dhanka kale Sheegay in uu booqday Xarunta Wasaaradda ee Kiboora halkaasna uu ku soo arkay xafiisyo ubaahan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qalabeeyo si shaqaalaha Xaruntaasi ka shaqeya ay u helaan Xarun qalabeysan oo ay ku hawlgalaan.

Ugu dambeyn Wasiirka oo uu barbar fadhiyo Agaasimaha Guud Soo xiray shirka  Dhamaan shaqaalahana kula dardaarmay in la sii xoojiyo hawlaha bulshadda loo hayo lana ilaaliyo Waqtiga shaqadda.

 

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *