Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlaha xubanaha ka ah dowladda federaalka ayaa shir wadatashi ah ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb 28kii – 29kii Bisha May ee 2024.
Shirkaan oo ah kii 3aad ee Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga waxaa diiradda lagu saaray xoojinto wadashaqeynta u dhaxeysa Wasaaradaha heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, Warbixinta iyo hadafka horumarinta Kalluumeysiga, ka doodista iyo Hirgalinta Habraacyada Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga (FMDC) iyo mudnaan siinta ka hortagga kalluumeysiga xad-dhaafka ah, Jillaabashada noole biyoodka dabar go’aya, la dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo la socoshada saameynta isbadalka cimilada ee deegaan xeebeedyada.
Shirka 3aad ee Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed ayaa laga soo saaray qodobbada soo socda:
A) Xoojinta Wadashaqeynta labada heer ee Dowladda ee dhinaca Kalluumeysiga:
1. Shirku waxa uu hoosta ka xariiqay mudnaansiinta xoojinta iyo kor u qaadidda wadashaqeynta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS iyo wasaaradaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka.
2. Shirku waxa uu dood adag ka yeeshay islamarkaana uu meel mariyey habraacyada iyo hannaanka mideysan (RoPs,ToRs) ee howlgalinta Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Qaranka.
3. Goluhu waxa uu ayyiday muhiimadda ay lee dahay daadajinta adeegyada horumarinta Kalluumeysiga taas oo kaalin wax ku ool ah ka qaadan doonta hirgalinta qorsheyaasha mideysan ee lagu horumarinayo Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga kheyraadka Kalluumeysiga waara.
Ka hortagga la dagaalanka kalluumeysiga Sharci darrada ah iyo Kalluumeysiga Xaddhaafka ah
I. Goluhu waxa uu isla qaatay in go’aanno mideysan laga soo saaro Kalluumeysiga Xad-dhaafka, Jillaabashada nuucyada Kalluun ee dabar go’aya iyo Ilaalinta deegaanka iyo noole biyoodka si looga fogaado xaalufinta iyo dhibaatada gaari karta deegaan xeebeedka.
II. Goluhu waxa uu isla qiray saameynta Kalluumeysiga sharci darrada ah uu ku lee yahay dalka iyo sida ay muhiim u tahay in la hirgaliyo qorsheyaal cad cad oo looga hortagayo lagula-na dagaallamayo Kalluumeysiga sharci darra ah.
C) Cilmi-baarisyo, kor u qaadiida wax soosaarka gudaha iyo xoojinta dhoofinta Kalluunka
1. Goluhu waxa uu faray Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha kalluumeysiga ee heer federaal iyo heer Dowlaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka in ay diyaariyaan qorsheyaal mideysan oo horseedaya in cilmi-baarisyo waxtar leh lagu sameeyo wasaqowga badda, waxyaabaha ku soo caariya xeebaha iyo saameynta isbadalka cimilada ee deegaannada xeebaha.
2. Si loo dhiirigaliyo wax soosarka Kalluumeysiga gudaha Goluhu waxa uu isla qaatay in la taageero Kalluumeystada gudaha, la abuuro fursado wax ku ool ah iyo in loo sameeyo suuqyo Kalluumeysi oo casri ah. Sidoo kale Goluhu waxa uu bogaadiyey shirkadaha Kalluumeysi ee Maxaliga ah ee ku howlan dhoofinta Kalluunka waxaana la faray in ay raacaan habraacyada jillaabaashada Kalluunka iyo Taya-dhowrka Kalluunka ee Wasaaradda Kalluumeysiga ee heer federaal.
3. Si loo horumariyo hufnaanta bixinta ruqsadaha iyo diiwaangalinta shirkadaha Kalluumeysi ee Maxaliga ah Goluhu waxa oo mudnaan gaar ah siinayaa mideynta ruqasadaha heer federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya islarmarkaan la abuuro nidaam ay wada adeegsan karaan Wasaaradda Kalluumeysiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Kalluumeysiga ee Dowlaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka.
4. Galahu wuxuu isla qaatay In la sameeyo xog uruurinta waxsoosaarka kalluumeysiga isla markaana lagu daro barnaamija FSNAU si loo sugo sugnaanta cunnada.
D) Misaaniyadda Golaha iyo waqtiyenta shirka xiga ee FMDC
1) Goluhu wuxuu adkeeyey In miisaaniyad gaar ah loo helo xoghaynta golaha (FMDC secretariat) si ay ugu suuragasho in ay waajibaadkooda shaqo u gutaan, islamarkaana ay qaban-qaabiyaan shirarka golaha.
2) Goluhu wuxuu isla qaatay in shirka xiga ee Golaha uu qabsoomi doono inta u dhexeys 25-ta ilaa 30-ka bisha Sebteembar ee 2024 wuxuuna ka dhici doonaa Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
E) Mahadnaq iyo Gunnaad
1) Goluhu wuxuu u mahad naqayaa Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Dowlad Goboleedka Galmudug, howl wadennada golaha maareynta iyo horumarinta Kalluumeysiga iyo Khuburada ka soo qeybgashay shirka 3aad ee Golaha
𝗗𝗛𝗔𝗠𝗔𝗔𝗗…