Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jubaland Mudane Mohamed Omar Bunnu oo Uu weheliyo Kusimaha Agaasimaha Guud Ahna Agaasimaha Maamulka Maaliyada iyo Shaqaalaha Cabdifataax Axmed Faarax,
Ayaa Maanta Kulan La qaatay Masuuliyiin Heer caalami ah oo Ka socday Xafiiska Hey’ada SIF.
Kulanka inta uu socday ayey Masuuliyiinta Hey’ada SIF iyo Wasiirka kala Xog qaateen Waxaana La isla Meel dhigay Sidii lagu sii xoojin lahaa iskaashiga labadda dhinac ee Hormarinta Kalluumeysiga iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo saarka Kheyraadka Badda.
Hey’ada SIF Ayaa kamid ah hey’adaha ku hawlan sidii lagu hormarin lahaa kalluumeysatada isla markaana bulshada loogu wacyigelin lahaa muhiimada Cunista Kalluunka.