Wasiir Axmed Xasan Cumar oo Daahfuray Bandhigga Wacyigelinta ee Cunista Kalluunka.

Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jubaland Mudane Axmed Xasan Cumar ayaa Maanta Daah furay Bandhig sare Loogu Qaadayey Wacyigelinta Nafaqada Cunista Kaluunka.

Bandhigga ayaa waxaa Ka soo Qeebgaleen xubno ka tirsan Golaha wasiiradda Dowlada Jubaland, Guddiga Iskaashatada Jubaland iyo Qaar kamid ah Bulshada.

Inta uu Bandhigga Socda ayaa Waxaa Goobta Hadalo ka Jeediyeen, Masuuliyiintii ka soo qeebgalay, Qaar kamid ah Guddiga iskaashatadda Kaluumeysatada, Qaar kamid ah Dadkii ka Faideystay Tababarka Karinta iyo Ka sameynta Kaluunka Noocyada kala duwan ee Cunnada sida Buskudka, Roodhiga, Doolshada iyo Baastada.

“Xirfad Sahlan ma ahan in Kaluunka laga sameeyo, Buskud, Bur, Baasto iyo weliba Roodhi. Hey’adaha Caalamiga ah ee Mashruuca naga taageeray waa ay mahadsanyihiin Gabdhaha Tababarka qaatayna Fursad shaqo ayey utahay iyagana Dadka kale in ay aqoontooda ay uga faideyaan wan ku dhiiragelineynaa” Ayuu Bandhiga ka yiri Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jubaland Mudane Axmed Xassan Cumar.

Mashruucaan (RAAISE) ay Fulineyso Wasaaradda ayaa waxaa Maalgelisay Hey’ada FAO oo Garab ka heleyso Midowga Yurub.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *