SHIRKA 3-aad EE GOLAHA MAAMULKA IYO HORMARINTA KALLUUMEYSIGA.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo ay wehliyaan wasiirada Kalluumeysiga ee dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, KoofurGalbeed, Jubaland iyo Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gaaray magaalada Dhusamareb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug halkaas oo uu ka qabsoomayo shirka 3aad ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Galmudug Mudane Garaad Yuusuf, wasiiro ka tirsan Dowlad Goobleedka Galmudug iyo marti Sharaf kale ayaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Magaalada DHusamareb.
Intaa kadib madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Ciid ayaa Wasiirada ku soo dhaweeyey Madaxtooyada Galmudug halkaas oo ay ku yeesheen kulan kooban oo ku saabsan ujeedka socdaalka wasiirada heer state iyo wasiirka Kalluumeysiga ee heer fedeeaal.
Wasiir Axmed Xassan Aaden ayaa Dhammaan wasiirada, madaxda kale iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Ciid uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey.
Magaalada Dhusamareb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmuudg waxaa si rasmi ah uga furmaya shirka 3aad ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga kaas oo diiradda saaraya hirgalinta iyo ka faa’ideysiga waara ee Kalluumeysiga.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *