Shirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Kalluumeysiga Dowladaha Xubanaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah uga furmay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta ee Dowlad Goboleedka Galmuudg.
Shirkaan oo ah kii 3aad ee Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga waxaa diiradda lagu saaray xoojinto wadashaqeynta u dhaxeysa Wasaaradaha heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, Warbixinta iyo hadafka horumarinta Kalluumeysiga, ka doodista iyo Hirgalinta Habraacyada Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga (FMDC) iyo mudnaan siinta ka hortagga kalluumeysiga xad-dhaafka ah, Jillaabashada noole biyoodka dabar go’aya, la dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo la socoshada saameynta isbadalka cimilada ee deegaan xeebeedyada.
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo hadal kooban ka jeediyey shirka ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee laga qabtay horumarinta Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga wanaagsan ee kheyraadka badaha ee dalka, waxa uu sheegay in Kalluunku uu kamid yahay kheyraadka uu ALLE ku manneystay dalkeenna haddii si wanaagsan looga faa’iideystana ay horseedi karto in la gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jubaland Axmed Xasan Cumar ayaa furitaanka shirka ka sheegay Muhiimada shirarka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dhanka kale Wasiirka ayaa Ka warbixiyey Wax yaabihii U qabsoomay intii ka dambeysay shirkii Magaalada Kismaayo Lagu qabtay Sidoo kale waxaa uu soo dhaweeyey Shirka Dhuusamareeb ka Furmay.
Wasiirada Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlad goboleedyada, Koofur Galbeed, Hirshabeelle, iyo ku xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si wada jir ah u sheegay in meel looga soo wada jeesto sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta Kalluumeysiga.
Shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed lagu faahfaahinayo qodobada mudnaanta u leh Golaha ee diiradda la saari doono si guulo looga gaaro ajendeyaasha qaran iyo heer federaala ee dhinaca Kalluumeysiga.