Xilwareejinta Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Jubaland, Mudane Maxamed Cumar Buunu oo Ay weheliyaan Gudoomiye Ku xigeenka Guddiga Shaqalaaha Rayidka Jubaland Mudane Axmed Ugaas Abukar, Gudoomiye Ku xigeenka labaad Mudame Yunis Ali Shegow iyo qaar kamid ah howl wadeenada wasaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqalaha Buluugga Jubaland ayaa maanta goob-joog ka ahaa xaflad ka qabsoontay Hoolka Shirarka ee Wasaaradda taasi oo uu Agaasimihii hore ee Wasaarada Mudame Cabdullahi Cali Faarax Xilka Ku wareejinayey Agaasimaha Cusub ee Wasaarada Mudane Maxamuud Cabdi Axmed.
Agaasimihii hore ee Wasaaradda Ayaa Soo bandhigay Wax yaabihii u qabsoomay Wasaaraha iyo Halka ay hadeer Wax marayaan Waxaana uu Shaqalaha wasaaradda ka codsaday in Lala shaqeyo Agaasimaha Cusub.
Dhanka kale Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqalaaha Buluugga ee Jubaland Mudane Maxamuud Cabdi Axmed ayaa Dhankiisa Wasiirka, Guddiga iyo shaqalaahaba uga mahadceliyey soo dhaweynta waxaana uu balan qaaday in Hawlaha wasaarada halkoda laga sii wadi doono si isku duubni ahna Loo wada wajihi doono hormarinta Wasaaradda.
Gudomiye Kuxigeenka Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubaland Mudane Axmed Cali Ugaas ayaa Labadda Agaasime ee xilka ku kala wareegay kula dardaarmay in Waajibaadka saaran ay Sii laba jibaaraan Ka Guddi ahaana Ay ku dadaali doonaan Daboolida baahiyaha Ka jiro xafiisyada Wasaaradaha.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqalaha Buluugga ee Jubaland Mudane Maxamed Cumar Buunu ayaa Agaasimihii hore ku amaanay Hufnaanta iyo Daacadnimada uu kula soo shaqeyey wasaaradda Mudadii uu xilka hayey waxaana uu agaasimaha Cusub kula dardaarmay in Hawlaha horyaalo uu Masuuliyad iska saaro Kuna Dadaalo sidii shaqalaaha Wasaaradda Loo hormarin lahaa mudnaanta kowadna iyaga loo siin alahaa si Hawlaha Wasaaradda looga gaaro Hormar la taaban karo.
𝗗𝗛𝗔𝗠𝗔𝗔𝗗…

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *